1 / 16

KOBCINTA TAYADA WAXBARASHADA EE DUGSIYADA QUR ÁANKA

KOBCINTA TAYADA WAXBARASHADA EE DUGSIYADA QUR ÁANKA. emanordic.com. GUDI WAXBARASHO. Gudiga wax barshada waxaan ka doonaynaa in ay noqdaan 1- culumo iyo macalimiin aqoon dheer iyo khibrad u leh hawsha loo doortay. 2-in ay waqti u hurayaan mas’uuliyada lasaaray.

Télécharger la présentation

KOBCINTA TAYADA WAXBARASHADA EE DUGSIYADA QUR ÁANKA

An Image/Link below is provided (as is) to download presentation Download Policy: Content on the Website is provided to you AS IS for your information and personal use and may not be sold / licensed / shared on other websites without getting consent from its author. Content is provided to you AS IS for your information and personal use only. Download presentation by click this link. While downloading, if for some reason you are not able to download a presentation, the publisher may have deleted the file from their server. During download, if you can't get a presentation, the file might be deleted by the publisher.

E N D

Presentation Transcript


  1. KOBCINTA TAYADA WAXBARASHADA EE DUGSIYADA QURÁANKA emanordic.com

  2. GUDI WAXBARASHO Gudiga wax barshada waxaan ka doonaynaa in ay noqdaan 1- culumo iyo macalimiin aqoon dheer iyo khibrad u leh hawsha loo doortay. 2-in ay waqti u hurayaan mas’uuliyada lasaaray. 3-in ay ka go’ antahay in ay wax la taaban karo ku soo kordhiyaan dugsiyada qur’aanka. 4-in xiriir toos ah ay la yeeshaan maamulada dugsiyada. 5-in ay sameeyaan manhaj, tarbiya islaamiya, luuqada carabiga iyo farbarasho intaba iskugu jira, ooy ka mideeysan yihiin dugsiyada oo dhan. 6-in ay sameeyaan tartano sanadkiiba mar la qabto isuguna imaanayaan dhamaan dugsiyada EMA: A) Qur’aanka kariimka. B) tarbiyada islaamiga ah. C) luuqada carabiga . D) Higaada ama farbarshada. 7-in gudi kale oo la xisaabtama gudiga wax barashada ay sameeyaan. emanordic.com

  3. Waxyaabaha wax ka qabadka u baahan 1-Koorsooyinka macalimiinta. 2-Habdhigista tarbiyada . 3-Hab dhigista higaada . 4-Luuqada carabiga . 5-Tirada ardada macalinka uu wax barayo. 6-Maalmaha ardada wax la barayo. emanordic.com

  4. KOORSOOYINKA MACALIMIINTA Macalimiintu waxa ay u baahan yihiin koorsooyin joogta ah in la siiyo ugu yaraan sanadkii hal jeer. Taas ayaa waxa ay naga caawin kartaa in aan u dhawaano ama gaarno inshaa allaah yoolka aan leenahay, illeen waxa ay wax barayaan waa ubadkeena, markastaa oo aan wax barasha macalimiinta kor u qaadno waxaan kor u qadnay wax barashada ubadkeena emanordic.com

  5. HABDHIGISTA TARBIYADA Ujeedada ugu wayn ee aan ka leenahay dugsiyada waa in ubadkeena la baro qur’aanka la na fahansiiyo. Fahansiinta qur’aankana waxa uu ku imaan karaa in ardada la siiyaa cashiro joogta ah oo ku saabsan tarbiyada islaamiga ah, taas darteed waa in la helaa manhaj wanaagsan oo tarbiya ah oo dugsiyada Ema oo dhan ka mideeysan yihiin oo waliba heerar kala sareeya leh, si xilliyada imtixaanada ama tartanada loo ogaado koox walba mustawahooda iyo kitaabka ay tartanka ku galayaan. emanordic.com

  6. HABKA DHIGISTA HIGAADA AMA FARBARASHADA Aradaygumarkauukujiromarxaladafarbarashadawaa in uumacalinkuaadugudadaalo , oowaameeshiiuguhoreeysayooasaaskaardaygaahayd Oohadiiuuardaygaasaaska ka hallaabodhibbadanayeey u keenaysaa. Arintaaswaxaydhaxal-siinaysaa in uu u maleeyoqur’aanka in uuadagyahayooaan la xifdinkarin, sababtadhabtaahinawaaisagaooaanakhrintaqur’aankasidiiloobaahnaa u baranin. Waxaajiraqaabwanaagsanoohadiiuumacalinkuabaaroardaygasiwanaagsanqur’aanka u akhrindoonoinshaallaah ,waaarin u baahanfaafaahinbadanqoraalkanakumasookoobikaro, muhimwaxaa ah in uumacalinkasabuuradaaad u isticmaalomaalinkiiuguyaraanhalsaacama wax ka badan, waxaajiraqaab la doonayosabuurada in loo is ticmaalotaasinasheegideedawaxa ay u baahantahaykoorsositoos ah aanmacalimiintaiskuhorfadhisano. Ka dib Markiiaanaragnahabkaaswanaagsaneekorkuqoranoo ah mid lagutijaabiyaydugsiyo ka mid ah machadyada EMA, loogunanajaxaysiaad u fiicanwaxaankutalinaynaa in la adeegsadoqaaciidadaasiyohabkaasooaadugufiicantajwiidkaquraankaiyosoosaaridaxarafkastaba. Qaaciidadaasoo la yidhaahdo “QaaciidaNuuraniya”. Qaaciidadaasoolehkutub u khaas ah iyowaliba Apps lagusoodajinkaro. Waa qaaciidosahlanooloogutalogalaydadkauucarabigukuadagyahay. Dugsiyadeenaisticmaalaeeaadkauguguulaystaywaxaa ka mid ah MarkaskeenaGöteborg, iyokan Helsinki oohayacaruur 1000 ku dhow wadarahaan. emanordic.com

  7. LUUQADA CARABIGA Waxaan wada ognahay in luuqada carabiga tahay luuqadii qur’aanka ,hadaba waxaa cajiib ah arday qur’aankii la barayo oon luuqadii qur’aanka labarayn! Runtii qofkii booqday dawladaha carabta sida wadanka Masar iyo kuwa kalaba ayaa waxaa uu arkayaa ardada laga ceshay wadamada galbeedka ee lageeyay wadamadaas dhibaatada ka haysata luuqada carabiga ,oo dhabtii hadii dugsiyada qur,aanka xiisad luuqa carabiya ah lagu dari lahaa xittaa wiigii hal xiiso dhibkaa ardaydaa ma qabsadeen. Taladayda waxay tahay macalimiinta in ay xiisad luuqada carabiga ah ku daraan dugsiyada qur’aanka si dhibkaa aradada uga yaraado fahamkii qur’aanka iyo barashadiisiina ugu fududaato. emanordic.com

  8. TIRADA ARDADA Tirada ardada macalinku wax barayaa waa in aan laga badin labaatan arday marka ay farbarashada iyo sadexda juz ee hoose ay kujiraan. Hadii ay dhaafaan sadexda juz macnaheeda waxaa weeyaan ardaygu waxa uu ubaah nayhay dareeris badan, subac, cashir illaa bog gaarana in la siiyo sidaas darteed waa in tirada fasalka noocaas ah laga dhigaa shan iyo toban arday ugu badnaan, Runtii waxyaabaha dugsiyada horumar fiican u sameeyn la’yihiin waxaa ka mid ah tirada fasalka oo xad dhaaf laga dhigo . emanordic.com

  9. Waxaankutalinayaa in dugsiyada la keenomeelmasaajidaaan ka fogayn si caruurtu u helaantarbiyodhamays tiran ooay u arkaanmasaajidkaiyosalaadahajameecaadka ah ,durustaiyo in aysan ka qajilinmasaajidkaoouuqaybuganoqdokoritaankooda. emanordic.com

  10. MAALMAHA ARDAYDA WAX LABARAYO Waxyaabaha dib dhaca ku riday ardayda diinta islaamka ku barata wadamada reer galbeedka waxaa ka mid ah maalmaha wax labaro oo labo maalmood ah (sabti iyo axad) Wadamada qaar sida U.K. macalimiinta ku nool badankooda way ku baraarugeen. baarakallaahu fiihim laakiin wadamo badan ayaa wali ka baraarugin sida wadamada waqooyiga yurub meelo badan oo ka mid ah. Waxaan kula talinayaa wali dugsiyada aan ku baraarugin arintan in ay wax ka badalaan xittaa hadeeysan si kale awoodin hal maalin sida maalinka arbacada ah iskoolka ka dib laba saacadood ugu daraan. Sababo badan ayeey macalimiinta ama waalidiintuba qaar sheegaan laakiin waa wax laga gudbi karo sidii ay dugsiyada qaarba uga gudbeen. emanordic.com

More Related